Somali News

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BFS oo kulan la qaatay Madaxweynaha Jabuuti.

Djibouti-KNN-Guddooomiyaha Golaha Shacabka ee BFS Maxamed Mursal Shiikh C/raxmaan ayaa kulamo magaalada Djabuuti ee Xarunta Jabuuti kula qaatay madaxweynaha Dalkaasi Ismaaciil Cumar Geelle iyo Madax kale oo ka tirsan Dowladda Jabuuti.

Guddoomiye Maxamed Mursal oo ka mid ah madaxda Africa ee lagu marti qaaday dabaal dagga Xuriyadda Dalka Jabuuti ayaa Madaxweynaha wadankaasi waxay kawada hadleen xaaladda Soomaaliya iyo xariirka wanaagsan ee ka dhaxeeya Labada Dal ee walaalaha ah.

Arimaha amaanka, Dhismaha Ciidamada, Siyaasadda iyo dhaqaalaha ayuu Guddoomiye Maxamed Mursal uga warbixiyay Madaxweynaha Jabuuti, halka Madaxweyne Jabuuti uu dar daaran usoo jeediyay Soomaaliya gaar ahaan Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BFS.

Jabuuti ayaa ka mid ah wadamada ay Soomaaliya ka joogaan Ciidamada Shi-Sheeye, waa dal Ciidankiisa Soomaaliya jooga kaliya aysan ku koobneen amaanka oo kaliya balse waxay ka qeyb qaatana Gar-gaarka Shacabka iyo Tababarka Ciidamada Soomaaliya ee gobalka Hiiraan.