Jowhar-KNN-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Shiikh C/raxmaan iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa goor-dhaw gaaray magaalada Jowhar ee Xarunta Dowlad Gobaleedka HirShabeelle.
Guddoomiyaha iyo Wafdigiisa ayaa ka qeyb galaya Xafladda Furitaanka Kalfadhiga 4aad ee Baarlamaanka HirShabeelle oo dhawaan uu soo dhamaaday fasax Laba Bilood ah oo ay heesteen, sidoo kale Guddoomiye Maxamed Mursal ayaa mudada uu halkaasi joogo waxa uu kulamo la soo qaadan doonaa Madaxda HirShabeelle sida ay noo sheegeen Xubno ka mid ah Wafdiga Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya.
Maxamed Mursal Shikh C/raxmaan ayaa Laba Maalmood ka hor ka soo Furay magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobalka Baay Kalfadhiga Baarlamaanka Koofur Galbeed isagoo maalin ka horna soo xiray Kalfadhiga Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya.