Uncategorized

Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Jabuuti oo Baledweyne tagay

Baled-weyne–KNN-– Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan jawaari iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Jabuuti Maxamed Cali Xaamud ayaa Maanta tagay Magaalada Baledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka Hiiraan iyo Saraakiisha Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa Maanta si weyn ugu soo dhaweyay Magaalada Baledweyne Guddoomiyeesha,waxaana ay la kulmi doonaan Saraakiisha Ciidamada AMISOM iyo Mas’uuliyiinta Maamulka Gobolka Hiiraan.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Jabuuti oo Shalay yimid Magaalada Muqdisho ayaa Maanta tagay Magaalada Baledweyne,waxaana Gobolka Hiiraan ku sugan Ciidamada Jabuuti ee Soomaaliya Jooga.