Uncategorized

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Guddi u saaray Fatahaadaha Wabiyada Shabeelle iyo Jubba.

Muqdisho-KNN-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Shiikh C/raxmaan ayaa ka hadlay dagaalka ka socda deegaanka Tukeraq ee Gobalka Sool una dhaxeeyo Maamulada Soomaaliland iyo Puntland.

Sidoo kale Gudoomiyaha ayaa ka hadlay fatahaadaha ay sameeyeen wabiyada dalka iyo sidoo kale dar-dar gelinta howlaha kal-fadhiga Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan  ayaa magacaabay Guddi ka Kooban 9 xubnood kuwaas u kuur gala fatahaadaha wabiyada Dalka iyo Saameenta ay ka geysteen meelaha ay maraan waxaana Gudigaan laga sugayaa iney warbixin ka keenaan Xaaladda dadka ku nool goobahaas.

Guddigan waxaa guddoomiye ka ah  C/wali sheikh Ibraahim Muudey oo ah guddoomiye ku xigeenka Koowaad ee golaha shacabka.

Dhanka kale Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa ugu baaqay dhinacyada ku dagaalamaya deegaanka Tukaraq in wax walba ay wada hadal ku dhameeyaan, loona turo shacabka lagu kor dagaalamayo.