Somali News

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo hambalyo u diray Dhalinyarada Soomaaliyeed,

Muqdisho-KNN-Guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur  (Madoobe) ayaa hambalyo ku aaddan xuska May 15 Maalinta Dhalinyarada Soomaaliyeed, oo ku beegan sanad-guurada 79-aad ee aas-aaskii Golahii Dhalinyarada Soomaaliyeed (SYL) u diray dhallinyarada guud ahaan. 

Dhallinyaradii SYL waxay naf, maal  iyo maskaxba u soo hureen xorriyadda dalkeena.

Guddoomiyaha ayaa yiri, “Maanta waxay ku suntan tahay maalin taariikhi ah, halgan iyo dadaal loo soo maray dadkeenna iyo dalkeenaba, waxaan dhalinyarada Somaaaliyeed u rajeynaa guul meel walba ay joogaan”