Somali News

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo maanta ku soo laabtay Muqdisho kadib safar ugu maqnay dalka Jabuuti

Muqdisho-KNN-Wafdiga Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo saddaxdii maalin ee lasoo dhaafay booqasho rasmi ah ku joogay dalka Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay ,waxaana garoonka diyaaradaha ee magaaladda Muqdisho kusoo dhoweeyay Xildhibaano ka tirsan Golaha shacabka.

Cabdi kariin Xaaji Cabdi Buux oo ah Xoghayaha Guud ee Golaha Shacabka oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in mudada uu ku sugnaa Wafdiga Guddoomiyaha Golaha Shacabka dalkaasi Jabuuti uu kullamo la qaatay madaxda dalkaasi.

Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan Gudoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya iyo wafdi xildhibaano ah oo u hogaaminayo ayaa intii ay ku sugnaayeen dalka  Jabuuti waxa ay kulamo halkaasi kula soo qaateen madaxda wadankaasi oo uu ugu horeeyo madaxweynaha Jamhuuriyada Jabuuti mudane Ismaaciil Cumar Geeele iyagoo sidoo kale uu ka qeyb galay 27-ka June oo ah sanad guuradii 41-aad ee kasoo wareegatay markii ay Jabuuti xornimada qaadatay.