Muqdisho-KNN-Maxamed Mursal Shiikh C/raxmaan Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BFS iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta u amba-baxay magaalada Djibouti ee xarunta Dalka Jabuuti.
Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka ee BFS ayaa ka mid ah wafdiga Guddoomiyaha waxaana la sheegay inuu Casuumaad ka helay dhigiisa Dalka Jabuuti si uu uga qeyb galo dabaal dagga Xuriyadda Jabuuti oo ku beegan 27-ka Bishaan June.
Maxamed Mursal ayaa dabaal dagga kadib kulamo halkaasi kula soo qaadan doono Dhiggiisa Jabuuti iyo madax kale oo dalkaasi ku sugan, arimo quseeyo Xaaladda Soomaaliya iyo Jabuuti ayeyna kawada hadli doonaan Labada dhinac.