Somali News

Guddoomiyaha guddiga dib-u-dhiska wadada Boosaaso oo la xiray.

Boosaaso-KNN-Wararka ka imaanaya magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa sheegaya in  halkaasi lagu xiray guddoomiyaha guddiga dib-u-dhiska wadada bartamaha Boosaaso.

Guddoomiyaha oo lagu magacaabo Sheikh Maxamed Macallin Axmed ayaa waxaa xabsiga dhigay ciidamada amniga magaalada Boosaso sida ay xaqiijiyeen suxufiyiinta ku sugan halkaasi.

Xarigga wadaadka ayaa ku soo beegmay iyadoo ay weli xabsiga ku jiraan saddex xubnood oo ka tirsan guddigaasi oo Khamiistii xabsiga la dhigay kadib markii ay dowladda Federaalka Soomaaliya ka guddoomeen lacag deeq ah oo aan soo marin nidaamka Maaliyadda Puntland.

Dhinaca kale guddiga Nabad-gelyada gobolka Bari ayaa xalay qoraal ay soo saareen ku mamnuucay in wax shirar ah oo aan dpuntland fasax ka haysan lagu qabto magaalada Boosaaso iyo degmooyinka kale ee gobolkaasi.