Somali News

Guddoomiyaha Jabhadda ONLF oo si weyn loogu soo dhaweeyay magaalada Muqdisho.

Adis-KNN-Magaalada Adis-Ababa ee xarunta dalka Itoobiya ayaa maanta waxaa si weyn loogu soo dhaweeyay guddoomiyaha Jabhadda Xurnimo u dirirka ah ee ONLF kadib markii ay dhawaan heshiis la galayn Itoobiya.

Boqolaal shacab ah, masuuliyiin ka tirsan ONLF iyo madax ka socoto Ismaamulka Soomaali Galbeed ayaa uga hortagay Garoonka magaalada Adis-Ababa ee dalka Itoobiya kuwaas oo watay Calanka Jabhadda ONLF iyo Sawirada Gudoomiyaha Jabhadda.

Masuuliyiinta Jabadda ONLF ayaa maalmihii la soo dhaafay ku soo qul-qulayay Itoobiya iyadii maalmo ka horna ay dalka Itoobiya soo gaareyn boqolaal ka mid ah Ciidamada Jabhadda iyo madax kale oo ONLF ka tirsan.