Somali News

Guddoomiyaha Maxkamadda sare oo Muqdisho ka furay imtixaan

Muqdisho-KNN-Guddoomiyaha Maxkamadda ee dalka Baashe Yuusuf Axmed ayaa maanta waxa uu magalada Muqdisho ka furay imtixaan laga qaadayo ila 215 qof oo u tartamaya 40 jago oo ka banaan hey’adaha garsoorka dalka.

Guddoomiye Baashe ayaa sheegay in dadkaasi ay ka mid yihiin 500 oo kasoo hartay 1,200 oo qof, kuwaas oo soo codsatay u tartamida 40-ka jago oo ka banaan galsoorka dalka iyo 50-ka kalkaaliye.

Sidoo kale Baashe Yuusuf ayaa sheegay in howshaan ay soo martay heerar kala duwan oo ku saabsan sidii loo heli lahaa garsooreyaal iyo kaaliyaal si hufan ugu shaqeeya garsoorka dalka, si gaar ah gobolka Banaadir, iyadoo amarkaas uu horay u bixiyay Madaxweyne Farmaajo.