Somali News

Guddoomiyaha Sh/Hoose “Waxba ima soo gaarin waana ka Guuleysan doonaa Argagixisada Al-Shabaab”

Muqdisho-KNN-Guddoomiyaha Maamulka Shabeelaha Hoose Maxamed Ibraahim Barre oo Goordhaw la hadlay Idaacadda Kulmiye ayaa faah faahin ka bixi ka bixiyay weerarkii ka dhacay deegaanka Siinka dheer ee duleedka magaalada Muqdisho iyo dhaawicii soo gaaray.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in hadda uu Isbitaalka ka baxay ayna jirin wax xanuun ama dhaawac Culus ah culus ah uu qabo, waxa uuna beeniyay wararka sheegaya inuu soo gaaray dhaawac halis ah.

“waa caafimaad qabaa hada ayaana ka sii baxayaa Isbitaalka, dhaawac maqabo ee firirka Muraad ka soo dhacday Gaarigii aan saarnaa ayaa isha hoosteeda iga garaafaysay hadana wax dhib ahna ma qabo” ayuu yiri Guddoomiyaha Gobalka Shabeelaha Hoose.

Sidoo kale guddoomiyaha ayaa KNN u xaqiijiyay in dhaawac fudud uu soo gaaray Guddoomiyaha deegaanka Ceelasha Biyaha iyo 7 ka mid ah Ciidamadii la socday Wafdigaasi, maamulka Gobalka Shabeelaha Hoose ayaa sheegay in hal Askari oo kaliya uu ku dhintay Qaraxaasi.