Somali News

Xirsi Cali oo eedeyn culus u jeediyay Xukuumadda Biixi

Hoggaamiyaha xisbiga Wadani Xirsi Cali Xasan oo ka hadlayay Gaari saakay xoog gudaha ugu galay gurigiisa loo ku yaala xaafada Goljanno ee Somaliland ayaa sheegay in gurigiisa si qorsheysan loogy soo weeraray gaari islamarkaana loo soo galiyay gudaha.

Wuxuu sheegay in taasi aysan ahayn markii koowaad, balse ay ka horreysay in gurigiisa dad la soo diray kuwaas oo kusoo tuuray taayiro dab lagu qabtay.

“Gurigayga ayaa la soo weeraray, gaadhi ayaa si qorshaysan loo galiyey, maaha markii koowaad oo waxaa ka horaysay in gurigayga ay dad la soo diray  taayiro dab lagu qabtay ku tuureen. Falkaas hore iyo kan saakuna xidhiidh ayay leeyihiin.” Ayuu yiri Guddoomiye Xirsi.

Sidoo kale, wuxuu tilmaamay in falkaas uu u muuqdo weerar qorshaysan oo ay Xukuumadda Muuse Biixi ugu  talogashay, taas  oo ay ku doonayso in ay ku cabsi galiso,

wuxuu carabka ku dhuftay in ay jirtay maalintii ay damceyn mudaharaadka in gaari la dulmarsiiyo isaga  iyo murashaxa madaxwayne iyo kuxigeenkiisa, isagoo waxaasi oo dhan ku tilmaamay cabsi galin.

“Waxaanu leenahay waxaad dilaysaan dila, waxaad doonaysaan xidha, waxaad doonaysaan qaada anaga waxaasi na cabsi galin maayaan ee runta ayay tagi” ayuu yiri hoggaamiyaha xisbiga Wadani Xirsi Cali Xasan.

Hadalka kasoo baxay Guddoomiye Xirsi ayaa kusoo aadaya, xili dhex dhexaadin laga dhex wado xubnaha Xisbiyada Mucaaradka Somaliland iyo Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, taas oo salka ku haysa muranka doorashada madaxtinimo ee Somaliland.