Somali News

Guddoomiye Aadan Madoobe oo dib ugu soo laabtay Muqdisho

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Somalia Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa maanta dib ugu soo laabtay Caasimadda dalka ee Muqdisho ka dib safar qaatay mudo ku siman bil oo uu arrimaha dib u heshiisiinta u joogay magalada Baydhabo.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Ayaa intii uu ku sugnaa magaalada baydhabo waxa uu kulama kala duwan laqaatay xubnaha siyaasiyiinta, odayaasha dhaqanka & hogaanka koonfur galbeed.

Waxa uuna goob joog ka ahaa shirkio dib uheshiisiinta koonfur galbeed oo Madaxweyne Xasan Sheekh Uu kusoo xiray Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay.