Somali News

Guddoomiye Aadan Madoobe oo saraakiisha ciidanka ugu digay in ay ku milmaan siyaasada iyo doorashada

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa isugu yeeray dhammaan saraakiisha ugu sareysa ciidamada qalabka sida.

Shirka ayaa waxaa diiradda lagu saaray xaaladda amniga doorashada dalka.

Saraakiisha ciidanka ayaa looga digay in aysan ku milmin siyaasadda, amniga iyo doorashada, islamarkaana ay ka amar qaataan Guddoomiyaha Golaha Shacaka inta lagu jiro marxaladda kala guurka illaa uu dalka ka yeelanayo madaxweyne.

Shirkan ayaa ku soo aadaya xili dhawaan uu dalka ka dhici doono doorashada Madaxweynaha Soomaaliya