Somali News

Guddoomiye Cumar Filish oo wada shaqeyn ka dalbaday shacabka Muqdisho.

Muqdisho-KNN-Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed Filish oo maanta dhagax-dhigay Xarunta Degmada Shibis ee gobolka Banaadir ayaa ka hadlay amaanka guud ee gobolka iyo waxa kaga qorsheysan.

Guddoomiye Cumar Filish ayaa shacabka ku nool gobolka Banaadir waxa uu ka dalbaday in maamulka uu guddomiyaha ka yahay ay ku garab siiyaan sidii uu looga hortagi lahaa kooxaha ku howlan baabi’inta hantida iyo daadinta dhiiga shacabka ku nool magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho.

Shacabka ayuu ka dalbaday inay dhaqsi usoo war galiyaa hey’adaha amaanka inta dadka ku howlan sameynta qaraxyada lagu baabi’iyo iyaga iyo guryahooda aysan u suurta galin sida uu damacoodu yahay.

Guddoomiyagha cusub ee gobolka Banaadir oo dhawaan la wareegay xilkiisa ayaa balan qaaday inuu furi doono waddooyinka dhagaxda lagu jaray ee Muqdisho oo shacabku ay dhib weyn ku qabaan, kuwaas oo sababay in magaaladu ay u kala xiranto labo gadi.