Somali News

Guddoomiye hore oo loo magacaabay Xamarweyne.

Muqdisho-KNN-Wareegto ka soo baxday Xafiiska Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Eng, Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow ayaa maanta waxaa loogu magacaabay Guddoomiyaha cusub ee degmada Xamar weyne ee Gobalka Banaadir.

Guddoomiyaha degmada Xamarweyne ayaa waxaa  loo Magacaabay Cabduqaadir Maxamed Cabduqaadir, kadib markii uu horey u soo noqday Guddoomiyaha degmadaasi, waana markii labaad oo xilkaasi loo magacaabo.

Arintan ayaa ku soo aadaysaa kadib markii dhawaan guddoomiyihii degmadaasi Cumar Shariif Jeeg Shaqa joojin lagu sameeyey, kadib markii lagu eedeeyey inuu aflagaadeeyay ciidanka Booliska Soomaaliya.