Uncategorized

Guddoomiye Eng Yariisow oo mar kale amray in la joojiyo dhismo ka socda Dhul ku yaala Muqdisho.

Muqdisho-KNN-Guddoomiyaha gobalka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Eng C/raxmaan Cumar Cusmaan “yariisow” ayaa maanta soo saaray Wareegto uu ku mamnuucayo dhimsaha dhul Dan guud ah oo ku yaala magaalada Muqdisho, gaar ahaan degmada Xamar jajab ee gobalka Banaadir.

Guddoomiyaha ayaa amray in la joojiyo dhimsaha ka socda ka soo hor jeedka Dekadda Muqdisho, dhulkaas oo ah dhul Dan Guud ah iyadoo la amray dhamaan maamulka degmada Xamar Jajab iyo Laamaha amaanka ee Booliiska iyo Nabad sugidda.

“Waxaa la farayaa maamulka degmada Xamar-Jajab iyo hay’adaha amniga in ay joojiyaan dhismaha ka socda dhulka danta guud ee ka soo horjeeda dekedda magaalada Muqdisho” sidaasi waxaa yiri Guddoomiyaha gobalka Banaadir ahna duqa Muqdisho.

Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna duqa Muqdisho Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa horey u joojiyay dhisme ka socday dhulka danta guud ee Biyaaso Liibaro oo ku yaala Isgoyska Ceelgaabta, waxana ay tallaabadani qeyb ka tahay qorshe ballaaran oo maamulka ku doonayo in dib loogu soo celiyo dhulalka danta guud ee sida sharci darrada ah loo dhisanayo.