Uncategorized

Guddoomiye Jawaari oo Baydhabo ka furay Shirka Guddoomiyaasha Baarlamaanka M/Gobaleedyada iyo Golaha Shacabka.

Baydhabo-KNN-Prof Maxamed Shiikh Cusmaan Jawaari Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya iyo ku xigeynkiisa Mahad Cabdalla Cawad ayaa maanta si wadajir ah magaalada Baydhabo uga furay shir u dhaxeeya Guddoomiyaasha Wakiilada maamul Gobaleedyada iyo Guddoonka Golaha shacabka, kaas oo noqonaya kulankii ugu horeeyay oo ay yeeshaan Labada dhinac.

Wariyaha Idaacadda Kulmiye oo ku sugan madasha Shirka ayaa soo sheegaya in shirkaan ay xaadir ku yihiin Inta badan Guddoomiyaasha Baarlamaanada maamul Gobaleedyada Dalka, balse waxaa ka maqan Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle sida uu soo sheegayo Wariyaha KNN uga soo hadla Baydhabo.

Si rasmi ah looma oga Ajandaha shirka, basle qaar ka mid ah Guddoomiyaasha oo aan la hadlanay ayaa shirkooda ku sheegay kulan wadatasho sidoo kale ah mid isbarasho siyaasadna ka madaxbanaan.

Shirkaan ayaa ah kii ugu horeeyay oo ay yeeshaan Guddoomiyaasha Baarlamaanada maamul Gobaleedyada Dalka iyo Guddoonka Golaha Shacabka Soomaaliya, ha yeeshee hore ayaa shirkaan ka digay in uu qabsoome waxa uuna ku tilmaamay mid iska hor keenaya awoodda Labada Gole ee Baarlamaanka Soomaaliya.