Uncategorized

Jawaari:-Taliyaasha Ciidamada hadalkooda haloo dulqaato cadaadis ayaa saarane.

Muqdisho-KNN-Guddoomiyaha Golaha shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Shiikh Cusmaan Jawaari oo goor-dhaw shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa ka jawaabay eedeyn ay usoo jeediyeen Taliyaasha Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya iyo Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee Golaha Shacabka.

Guddoomiye Jawaari ayaa beeniyay in Ciidamo kuwiisa ah ay la wareegeyn Xarunta Golaha shacabka ee Baarlamaanak Soomaaliya waxa uuna hadalkaas ku tilmaamay warar aan sal iyo raad toona lahayn.

“Aniga ma qabo ciidan aan meel kula wareego, waxaan heestaa istaafkii ay Dowladda ii sameysay mana ahan ciidan meel la wareegi kara, Xukuumadda ayaa maanta fowdo ka bilaawday Xarunta Golaha qal qalna amnina gelisay Xildhibaanada” ayuu yiri guddoomiye Jawaari

Sidoo kale Guddoomiyaha Golaha shacabka ayaa ka hadlay eedeeyntii taliyaasha Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya kaas oo ahaa in Jawaari Ciidamo taabacsan ay qabsadayn dhismaha Golaha shacabka.

“yaan waxba laga soo qaadin hadalka Taliyaasha Ciidamada Qalabka sida waayo cadaadis ayaa saaran waxaana lagu amrayaa in ay ka qeyb qaataan siyaasad aan shaqadooda ahayn waxaana ku xiran joogitaankooda” ayuu yiri guddoomiyaha Golaha shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya.

jawaari ayaa mar kale ku celiyay in madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha ay qaadan doonaan wax kasta oo ka dhacay magaalada Muqdisho gaar ahaan Xarunta Golaha shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya.