Somali News

Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee baarlamanka Galmudug oo la doortay

Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee baarlamaanka Galmudug ayaa la doortay.

Waxaana kursiga guddoomiye ku xigeenka koowaad ee baarlamaanka labaad ee maamulka Galmudug ku guuleystay Cabdullaahi Xirsi Maxamed.

Cabdullaahi Xirsi ayaa ku guuleystay 59 cod isagoo ka guuleystay Saadaq Shiikh Yuusuf oo isna helay 29 cod.

Waxaa goordhaw bilaaban doonta u codeynta guddoomiye ku xigeenka labaad ee baarlamaanka Galmudug, oo ay ku tartamayaan Maxamed Axmed Maalin iyo Faadumo Cabdi Cali.

Halkan Kala Soco…….