Somali News

Guddoomiye ku-xigeenka 1-Aad ee Golaha Shacabka oo gaartay Garoowe

Guddoomiye ku-xigeenka 1-Aad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya Marwo Sacdiya Yaasin Samatar ayaa Maanta gaartay Magaalada Garoowe Ee Dawlad Gobaleedka Puntland.

Waxaa Garoonka Magalada Garoowe ku Soo Dhaweyey Qaybaha kala duwan ee Maamulka gobalka Nugaal, Wasiir Ku Xigeenka Gargaarka Puntland,Xildhibaano Ka Tirsan Golaha shacabka BFS Iyo Masuliyiin Kale.

Guddomiye Ku Xigeenka 1-aad Ee Golaha shacabka BFS Marwo Sacdiya Yaasin Samatar ayaa Deeq Gargaara Gaarsiisay Maamul gobaleedka Puntland, si Abaarta daran Ee Goboladda Puntalnd Ka Jirta Gurmad Loogu Fidiyo.

Guddoomiye Ku Xigeenka Golaha Shacabka BFS ayaa Sheegtay Inaysan ahayn Deeqdii Ugu Danbeysay aysan ahayn Balse Si Dadka Liita Loogu Gurmado ay Deeqdan U Soo Hormariyeen Shacabka Puntland.