Somali News

Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee Aqalka Sare oo gaaray Kismaayo

Senator Abshir Bukhaari guddoomiye ku xigeenka 1aad ee Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray Magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka Jubbaland.

Abshir Bukhaari iyo wafdigiisa ayaa soo dhaweyn diiran ka dib waxaa warbaahinta la hadlay Cabdi Maxamed C/Raxmaan Guddoomiyaha Baarlamaanka Jubbaland wuxuuna muujiyay sida ay ugu faraxsan yihiin imaanshaha wafdigaasi

Dhianaca kale guddoomiye ku xigeenka 1aad ee Golaha Aqalka Sare  Abshir Bukhaari ayaa sheegay in ujeedka socdaalkooda uu yahay ka qeybgalka caleema saarka Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe.