Uncategorized

Gudoomiye ku xigeenka 1aad ee Golaha Shacabka oo Sheegay inuusan jabin mooshinkii Jawaari

War saxaafadeedkaan ayaa waxaa laagu sheegay inuusan waxba iska bedelin sharcinimada iyo habraacii uu ku socday Mooshinkii laga keenay Guddoomiye Jawaari, oo uu sheegay in lagu balansan yahay in Golaha la horkeeno maalinka Sabtida ah islaamarkaana uusan burin mooshinka.

War saxaafadeedkaan ayaa waxaa saxaafada u aqriyay xildhibaan Maxamed xasan idiris ganey oo kamid ah xildhibaanada ugu cad cad ee waday mooshinka ka dhanka ahaa Maxamed shiiq cismaan jawaari oo ah gudoomiayah golaha shacabka ee baarlamaanka sooomaliya.

Guddoomiye Muudey ayaa sidoo kale sheegay in gudiga joogtada ah aysan saameyn sharciyadeeed aysan ku lahayn arimaha haatan socda iyo Mooshinka Gudoomiyaha Golaha Shacabka prof jawaari laga keeenay sidoo kalane mooshinkaasi loo codeyn doono muddo 10 cisho ah gudahooda waliba maalmahaasina ay yihiin maalmaha shaqada ah.

Waxan uuna intaasi ku daray hadalkiisa Guddoomiye muudey Guddoomiyaha Mooshinka laga keenayee jawaari inuusan ku hadli karin magaca Golaha Shacabka, inta go’aan laga gaarayo Mooshinka ka yaalla.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee baarlamaanka soomaliya Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) oo hadlay ayaa sheegay in dib uu ugu soo laabtay shaqada, Baarlamaankana uuna furmi doono maalinta Sabtida ah kaasi oo ku sheegay in looga hadlayo xiisada ka taagan Magaalada Beled Xaawo.

Halka gudoomiye ku xigeenka kowaad uu ku sheegay maalinta sabtida ah in golaha shacabka uu horyaalo mooshinka ka dhanka ah gudoomiye jawaari.

Arintaan ayaaa ah mid u muuqata  midi midi ku taag ah.