Somali News

Guddoomiye ku xigeenkii hore ee G/Banaadir oo ku jabay rabshadihii ka dhacay Muqdisho

Muqdisho-KNN-Guddoomiye ku xigeenkii hore ee dhanka maamulka iyo maaliyadda gobolka Banaadir Ibraahim Dheere oo ka mid ahaa dadkii dhaawacmay markii rasaasta ay ku fureen ciidamada dowladda ayaa la hadlay KNN, waxuuna faahfaahin ka bixiyey sida wax u gaareen.

Ibraahim Dheere ayaa sheegay inuu gacan ka jabay intii ay ka cararayeen rasaas ay ciidamada dowladdu ku kala ceyriyeen dad ku banaanbaxayey inta u dhaxeysa garoonka Aadan Cadde iyo isgoyska KM-4 ee magaalada Muiqdisho.

Dadkii uu la socday markii uu jabay guddoomiye Ibraahim, waxaa banaanbaxooda hoggaaminayey musharaxiinta kala ah Cabdiraxmaan Cabdishakuur, Xasan Cali Kheyre, Cabdikariin Guuleed, Nabadoon Xaad xildhibaano ay ka mid ahaayeen Mahad Salaad, Cabdiraxmaan Odawaa.

Waxa uu sheegay inuu gacan ka jabay, intii ay xabadaha ka cararayeen, isla markaana la kabay oo hadda ay xaaladiisu wanaagsantahay, isagoo wixii dhacay si adag ugu eedeeyey Madaxweyne Farmaajo oo bilo ka hor uu aad u taageeri jiray intii aan laga qaadin xilka guddoomiye ku xigeenka dhanka maamulka iyo maaliyadda gobolka Banaadir.

Halkan hoose ka dhageyso wareysiga uu siiyey KNN