Somali News

Guddoomiye ku xigeenkii siyaasada Deyniile oo qarax lagu dilay

Warrarka laga helayo degmada Yaaqshiid ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in qarax waddada dhinaceeda la dhigay oo lagu bartilmaameedsaday gaari marayay waddada Daarusalaam uu ku dhintay gudoomiye kuxigeenkii siyaasadda degmada Dayniile Cabdi Maxamad Maxamuud sida uu sheegay xoghayaha degmada Mahad Sharaawe.

Xoghayaha ayaa sidoo kale sheegay inay jiraan dhawaacyo soo gaaray ilaallada gudoomiye kuxigeenka dhintay kuwaas oo loo qaaday isbitaalka.

Illaa hadda ma jirto cid sheegatay masuuliyadda qaraxa ka dhacay waddada Daaruslaam, balse miinooyinka waddooyinka hareerrahooda la galiyo ee lala beegsado saraakiisha dawladda waxa fuliya Al-Shabaab.