Uncategorized

Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka oo ka hadlay arimo xasaasi ah

Muqdisho-KNN-Mahad Cabdalla Cawad Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka ayaa qabtay shir jaraa’id  oo uu kaga hadlayay xaalada amniga ee xarunta Golaha Shacabka oo ay gacanta ku hayaan Ciidamo aan a heen kuwii horay u qaabilsanay sugida amniga xarunta Golaha shacabka, kuwaas oo la geeyay ka dib markii uu curtay khilaafka hadda ka dhax taagan Baarlamaanka Soomaaliya.

Mahad Cawad ayaa aad u shirkaan jaraa`id ee uu qabtay wuxuu ku eedeeyay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo wuxuuna ku eedeeyay inuu gabay ilaalinta xilkii ka saarnaa mabaa’diida aas aasiga ah ee dastuurka iyo shuruucda dalka ee kala madax banaanida Hey’addaha sharci dejinta, Fulinta iyo Garsoorka ayuu yiri Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka oo warbaahinta la hadlay.

Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka ayaa sheegay in Xildhibaanada ay xaq u leeyihiin inay is difaacaan, maadaama ay xarunta golaha shacabka la wareegeen ciidamo aan ka amar qaadan Guddoomiyaha Golaha Shacabka.

War saxaafadeedka oo qodobo adag ku qornaa ayaa markan waxaa uu xafiiska Guddoomiye Jawaari si toos Madaxweynaha loogu soo qaaday in dhinaca uu jiro khilaafka Baarlamaanka iyo Xukuumadda.

Halkan ka Akhriso:-