Uncategorized

Guddoomiye Laameed Saakay lagu dilay Degmada Waabari Ee Gobolka Banaadir

Muqdisho–KNN–Dableey Bastoolado wadatay ayaa Saakay Degmada Xamar-jajab ee Gobolka Banaadir ku dishay Guddoomiye Laameed ka tirsan Maamulka Degmada Xamar-jajab.

Dilka ayaa la sheegay in ay Fuliyeen Koox Hubeysan oo watay Mooto ama dhug-dhugleey,waxaana ay ka baxsadeen Goobta ay wax ku dileen.

Ciidamada Ammaanka Soomaaliya ayaa Goobta Baaritaano ka smaeeyay,inkastoo aysan jirin cid ay Falkaasi u soo qabteen.

Hayeeshee weli waxaa Degmada Waabari qeybo kamida ka socda Baaritaano xoog leh oo ay wadaan Ciidamada Ammaanka Soomaaliya.

Guddoomiyaha Degmada Waabari ayaa Radio Kulmiye u sheegtay in mas’uulka la dilay uu ka mid yahay Maamulka Degmada Xamar-jajab,balse lagu dilay Degmada Waabari.