Somali News

Guddoomiye Madaale oo Xarunta G/Banadir ku qaabilay xubna ka socda Ururka Bulshada Bariga Afrika

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale Madaale ayaa Xarunta Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar ku qaabilay xubno ka socda Bulshada Bariga Afrika “East African Community” oo maalmahaan Muqdisho u joogay howla shaqa.

Munaasabadan soo dhaweynta ah waxaa goob joog ka ahaa Wasiiro iyo Xildhibaano katirsan DFS, Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasada Maamulka Gobolka Banaadir iyo mas’uuliyiin kale.

Xubnahaan sare ee Aqalka Dowladda Hoose lagu soo dhaweeyay ayaa mudda Todobaad ah Muqdisho u joogay si ay u qiimeeyaan u diyaargarowga in Soomaaliya ay ku biirto Bulshada Bariga Afrika, oo ku mideysan yihiin Dalalka Kenya, Uganda, Tanzania, DR Congo, Rwanda, Burundi iyo South Sudan.

Goobta soo dhaweynta ka socotay ayaa lagu soo bandhigay waxyaaba ka turjumaya astaamaha lagu garto dhaqanka Soomaalida, gaar ahaan Aqal Soomaaliga, Dharka hidaha iyo dhaqanka, Ciyaara dhaqmeed iyo Cuntooyinka Wadaniga ee uu dalkeena Hodanka ku yahay.