Uncategorized

Guddoomiye Mahad Cawad oo la kulmay Xildhibaan Aadan Barre Ducaale oo heesta Aqlabiyadda Baarlamaanka Kenya.

Muqdisho-KNN-Mahad Cabdalla Cawad Guddoomiye ku xigeenka 2aad ee Baarlamaanka Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa magaalada Nairobi ee Dalka Kenya kula kulmay hoggaamiyaha aqlabiyada Baarlmaanka Kenya Xildhibaan Aadan Barre Ducaale waxayna ka wada hadleyn Xaaladda Soomaaliya iyo xaaladda Soomaalida ku nool Kenya.

kulanka labada Mudane ayaa waxaa ku ku wehlinayay Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Golaha Shacabka Soomaaliya waxa uuna qaatay muddo ka badan saacad waxaana la isla gartay in wufuud labada Baarlamaan ka kala socda ay booqasho shaqo ku kala tagaan magaalooyinka Nairobi iyo Muqdisho, taasi oo xiriirka, iskaashiga iyo wada shaqeynta sii xoojineysa.

Intii kulanka uu socday Guddoomiye ku xiggeenka 2aad ee Golaha Shacabka Mahad Cabdalla Cawad, waxa uu u gudbiyey Baarlamaanka Kenya marti qaad uu ka siday Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan “Jawaari” oo isagu ku marti qaaday Guddoonka Baarlamaanka Kenya in ay Muqdisho yimaadaan.