Uncategorized

Guddoomiye Maxamed Mursal oo daah furay shirka looga hadlaya Dastuurka qabyada ah ee Soomaaliya

Muqdisho-KNN-Guddoomiyaha Golaha shacabka ahna ku simaha Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa maanta daah furay shirka looga arin sanayay arimaha Dastuurka qabyada ah ee Soomaaliya, kaas oo labada maalin ee soo socota furnaan doono.

Shirkaan ayaa waxaa ka soo qeyb galay Ra`iisul Wasaaraha xukumadda Fedraalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, Guddoomiyaha aqalka sare Cabdi Xaashi Cabdulaahi, xubno ka socda qaar ka mid ah maamul goboleedyada dalka iyo boqolaal ruux oo ka kala yimid gobolda dalka iyo dibadda, kuwaas oo diirada saari doono dib u eegista iyo turxaan bixinta Dastuurka KMG ah ee Soomaaliya.

Wasaarada Arimaha Dastuurka Soomaaliya iyo Guddiga labada aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa soo qaba qaabiyay shirkaan maanta ka furmay magaalada Muqdisho.