Uncategorized

Guddoomiye Maxamed Mursal oo maanta la kulmay Guddiyada Golaha shacabka

Muqdisho-KNN-Guddoomiyaha Cusub ee Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa Maanta kulankii ugu horreeyey waxa uu la qaatay guddiyada kala duwan ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Guddoomiyaha Cusub ee Baarlamaanka Maxamed Mursal ayaa guddiyadaan ka dalbaday sidii ay ula shaqeyn lahaayeen, islamarkaana loo dar dar gelin lahaa howlaha Baarlamaanka.

Kulanka oo ka dhacay Villa Hargeysa ayaa Guddoomiyaha wuxuu la kulmay Guddiga Joogtada ah ee Baarlamaanka, Guddiga amniga iyo arimaha Gudaha.

Maalmihii dambe ayaa Guddoomiyaha wuxuu  waday qorshe uu kula kulmayay Guddiyada Baarlamaanka, Agaasimayaasha iyo xafiisyada kala duwan ee Baarlamaanka Soomaaliya.