Uncategorized

Guddoomiye Maxamed Mursal”Ma`ahan wax la qaadan karo in wax isdaba marin ay ka dhax dhacdo Baarlamaanka dhaxdiisa”

Muqdisho-KNN-Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa dalbaday in ay helaan halka ku baxday lacag ay sheegeen in ay dhiibayeen muddo kaban hal sano, lacagtaas oo ay sheegeen in ay keed u eheed Golaha Shacabka.

Xildhibaanada Soomaaliya ayaa bilkasta iska jari jiray $100 oo keed ah, laakiin waxay shaki ay geliyeen in la keediyay lacagtaas iyo inkale.

Guddoomiyaha Cusub ee Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa u balan mudanayaasha Baarlamaanka in uu ku dadaali doono dabagalka lacagtaasi, islamarkaana uu u baahan yahay waqti uu ku daba galo xaqiijinta arintaasi.

Guddoomiyaha Cusub ayaa carabka ku dhuftay in aan aqbali doonin in wax isdabamarin ka dhax dhacda xildhibaanada dhaxdiisa.