Muqdisho-KNN-Wafdi uu hoggaaminayo guddoomiyaha golaha shacabka Maxamed Mursal Sheikh Cabdiraxmaan oo uu qeyb ka yahay dhigiisa dalka Jabuuti Maxamed Cali Xaamud, ayaa gaaray magaalada baydhabo ee xarunta gobolka Bay, waxaana halkaas ku soo dhaweeyay xubno ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed.
Garoonka diyaaradaha Shaati Gaduud ee magalada Baydhabo ayaa waxaa wafdiga kusoo dhaweeyey Nadaxweynaha maamul goboleedka Koonfur Galbeed, guddoomiyaha baarlamaanka maamulkaas iyo qeybaha kala duwan ee bulshada reer Baydhabo.
Wafdigaas ayaa Baydhabo uga qeyb geli doona furitaanka kal-fadhiga 5-aad ee golaha wakiilada maamulka Koonfur Galbeed, waxaana la sheeghay inta ay joogaan Baydhabo in ay kulamo la qaadan doonaan madaxda ugu sareysa maamulkaas iyo qeybaha kala duwan ee bulshada magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay.


