Somali News

Guddoomiye Mursal oo beesha caalamka u diray fariin ku saabsan doorashoyinka dalka

Muqdisho-KNN-Warqad ka soo baxday xafiiska guddoomiyaha golaha shacabka ee baarlamaanka Sooamaliya Maxamed Mursal Sheikh Cabdiraxmaan, isla markaana loo diray wadamada taageera Soomaaliya iyo deeqa bixiyayaasha caalamiga ah, ayaa looga hadlay doorashada ka dhici doonta dalka sanadka 2021-ka iyo sharciga doorashooyinka oo ay meel mariyeen dhowaan xildhibaanada golaha shacabka.

“Sharciga ay ansixiyeen golaha shacabka wuxuu waafaqsan yahay dastuurka waxaana la filayaa in muwaadiniinta Soomaaliyeed ay si toos ah ugu doortaan xildhibaanada, waxaan sidoo kale jeclaan lahaa inaan kuu xaqiijiyo in xeerka doorashada uu noqon doono mid dhaqan gala waqtigiisa sanadka 2020/21-ka inkasta oo dhowr arrimood oo wali u baahan is waafajin siyaasadeed iyo dood dheer oo Baarlamaanku leeyahay, iyada oo looga doodi doono arrimahaasi fadhiyada golaha shacabka ee soo socda” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay xafiiska guddoomiye Mursal.

Sidoo kale qoraalka loo diray beesha caalamka ayaa lagu yiri “Degmooyinka iyo kuraasta xildhibaannada gole farsamo baarlamaaneed ayaa la sameyn doonaa mustaqbalka dhowr si loogu diyaariyo qabyo qoraal gaar ah oo ku saabsan qaababka loo adeegsan doono hagitaanka sida loo qeexi doono golaha shacabka iyo kuraasta loogu qoondeeyay goob walba”.

Guddigu diayarinta sharciga doorashooyinka waxay wada tashi ballaaran la yeelan doonaan daneeyayaasha ay quseyso oo ay ku jiraan dowladaha xubinta ka ah federaalka (FMS) ka dibna waxay u soo bandhigayaan qaraar soo jeedin ah kalfadhiga xiga ee bandhigayaan qaraar soo jeedin ah kalfadhiga xiga ee baarlamaanka.

Ugu dambeyn qoraalka guddoomiye Mursal kasoo baxay xafiiska ayaa lagu shaaciyay in doorashooyinka Somaliland loola dhaqmi doono sidii mid gaar ah oo baarlamaankuna uu samayn doono qaraar gooni u ah halkaas oo ay Somaliland ka yeelan doonto qaban-qaabooyin gooni ah doorashada kuraasta Somaliland ku aaddan, iyada oo lala shaqeyn doono guddiga doorashooyinka Qaranka.