Somali News

Guddoomiye Mursal oo gaaray Dalka Turkiga.

Muqdisho-KNN-Maxamed Mursal Sheekh Cabdi Raxmaan Guddomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo ka soo ambabaxay Magaalada Cammaan ee Dalka Jordan ayaa gaaray Magaalada Ankara ee dalka Turkiga,iyadoo halkaasi si weyn loogu soo dhaweeyay.

Waxaa garoonka diyaaradaha Magaalada Ankara Guddoomiyaha Golaha Shacabka ku soo dhaweeyay Mas’uuliyiin ka tirsan dowlada Turkiga iyo xubno kale.

Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan Guddoomiyaha Golaha shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo ka hor inta uusan tagin Turkiga ayaa Dalka Jordan uga soo qeyb galay Shirkii Midowga Baarlamaanada Carabta ayaa soo gabageeyay socdaalkii halkaasi ku joogay.

Guddoomiye Mursal ayaa la filayaa inuu kulan la qaato madaxda ugu sareysa ee dalka Turkiga, isagoona kala hadli doono xiriirka u dhexeeya dalalka Soomaaliya iyo Turkiga, iyo arimo kale.