Somali News

Guddoomiye Mursal oo ka qeyb galaya shir ka dhacaya Burkina faso

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Dalka Burkina Faso waxaa Garoonka Diyaaradaha Magaaladda  Ouagadougou (Wagadhugu) ee Caasimadda Dalka  Burkina faso kusoo dhoweeyay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Dalkan oo uu ugu horeeyo Guddoomiyaha Baarlamaanka ee Dalka Burkina Faso iyo xubno kale oo Baarlamaanka Dalkan ka tirsan.


Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo dhigiisa Dalka Purkina Faso Alassane Baka Sadandé oo shir jaraa’id ku qabtay qeybta nasashada ee garoonka diyaaradaha ee Magaaladda Ouagadougou (Wagadhugu) ayaa guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan waxa guud ahaan madaxda Dalka Purkina Faso gaar ahaan guddoonka Baarlamaanka ee dalkan uga mahad celiyay soo dhoweynta wanaagsan ee ay u sameeyeen isaga iyo wafdigiisa ,waxaana uu sheegay in mudada ay joogaan kaga geli doonaan  kalfadhiga 15-aad ee Midowga Baarlamaanada Dowladaha  Islaamka oo sanadkan ay marti gelineyso dowladda Purkina Faso,Sidoo kalena  shirkan uu Soomaaliya muhiimad gaar ah u leeyahay.


Guddoomiyaha Baarlamaanka Ee Dalkan Purkina Faso Alassane Baka Sakandé ayaa dhankiisa Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo wafdigiisa kusoo dhoweeyay Dalka Purkina faso waxa uuna sheegay in ka dowlad ahaan ay sharaf u tahay in wafdi Soomaaliya ka socda ay dalkooda kusoo dhoweeyaan

Waxaa maanta galbeedka Afrika ee Purkina Faso Caasimadiisa Ouagadougou (Wagadhugu) ka furmi doona kalfadhiga 15-aad ee  Midowga Baarlamaanada Dowlaha Islaamka oo sanadkiiba mar la qabto.