Muqdisho-KNN-Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan guddoomiyaha golaha shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya oo la hadlay Warbaahinta Dowladda ayaa waxaa uu ka tacsiyadeeyay Qaraxii shalay ka dhacday hoolka shirarka ee maamulka gobalka Banaadir, isagoona dadkii ku dhintay iyo kuwa ku dhaawacmay uu u rajeeyay caafimaad deg deg ah.
Guddoomiye Mursal ayaa ka dalbaday laamaha ammaanka ee dalka inay geliyaan baaris dhab ah dadka ka dambeeyay qaraxii ka dhacay iyo siyaabaha uu kaga gudbay baarista ciidamada intaba.
Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan guddoomiyaha golaha shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa intaasi hadalkiisa ku daray in laga doonayo shacabka soomaaliyeed inay is dejiyaan, islamarkaana ay ka fikiraan sidii ay u badbaadin lahaayeen dalkooda, isagoona sheegay in ay muhiim tahay in meel qura looga soo wada jeesto cadawga ummadda Soomaaliyeed sida uu hadalka u dhigay.
Dadka ku dhintay qaraxii ka dhacay hoolka shirarka ee maamulka gobalka banaadir ayaa maanta waxaa lagu wadaa in lagu aaso magaalada Muqdisho, halka dadka ku dhaawacmayne lagu wado in dalka dibaddiisa loo qaado si loo baxnaaniyo xaaladdooda caafimaad.