Somali News

Guddoomiye Mursal oo la kulmay Guddigii Koofur Galbeed uu u magacaabay falkii ka dhacay Galmudug

Muqdisho-KNN-Maxamed Mursal Sheikh Cabdiraxmaan Gudoomiyaha golaha shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa kulan la qaatay guddigii dhawaan uu soo magacaabay madaxweynaha koonfur galbeed soomaaliya Cabdi casiis Xasan Maxamed Lafti-gareen, kuwaasi oo loo soo xilsaaray inay baaraan dhibaatooyinka ka dhacay magaalooyinka Dhuusa mareeb iyo Gaalkacyo ee lagu dhammeeyay dad masaakiin ah.

Guddigaan ayaa iskugu jira xildhibaanno, wasiirro iyo waxgarad ka soo jeeda deegaannada Koonfur galbeed soomaaliya waxaana lagu wadaa inay gaaraan ugu horeyntii magaalada Gaalkacyo ee gobalka Mudug, halkaasi oo lagu dilay dad ku dhow 13 ruux,  kuwaasi oo ahaa xamaalato aan waxba galabsan.

Guddoomiye Mursal ayaa lagu sheegay inay siiyeen guddigaan xoogga ku saabsan sida ay doonayaan iney u wajahaan Kiisaska ka dhacay magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Gaalkacyo ee galmudug.

Dhankiisa Maxamed Mursal Sheikh Cabdiraxmaan guddoomiyaha golaha shacabka eee baarlamaanka soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday inay magacaabeen guddi ka kooban 13 ruux oo xildhibaanno ah kuwaa oo baaritaanno ku sameeya dhacdooyinka ka dhacay deegaannada galmudug qaar kamid ahi.

Magaalooyinka Gaalkacyo iyo Dhuusamareeb ayaa waxaa ka soconaya howlgallo weyn oo lagu baadi goobayo Kooxdii  dadka Shacabka ah leysay.