Somali News

Guddoomiye Mursal oo maanta qaabilay Safiirka cusub ee Sweden.

Muqdisho-KNN-Guddoomiyihii Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ee muddo xileedkiisii dhammaatay Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa Maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka cusub ee Dowladda Sweden u soo magacoowday Soomaaliya Per Lindgarde.

Kulanka ayaa waxaa ay uga wada hadleen dardargelinta howlaha lagu dhameystirayo doorashooyinka Dalka ka biloowday iyo xaqiijinta qoondada Haweenka ee doorashooyinka.

Guddoomiye Maxamed Mursal iyo Safiir Per Lindgarde ayaa sidoo kale ka wada hadlay xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Sweden, kaas oo ku dhisan wax wada-qabsi,  is-ixtiraam si loo adkeeyo iskaashiga dhinacyada amniga, gargaarka bini’aadannimada, dhaqaalaha, , horumarinta iyo arrimaha bulshada.

Ugu dambayn, Guddoomiyaha ayaa Safiirka Cusub ee Sweden ugu hambalyeeyay xilka loo magacaabay, waxa uuna u sheegay in uu soo dhoweyn wanaagsan kala kulmi doono shacabka Soomaaliyeed iyo dowladda.

Safiirka cusub ee Dowladda Sweden u soo magacaawday Soomaaliya ayaa waxaa dhawaan warqadaha aqoonsiga ka guddoomay Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.