Waxaa maanta xarunta Villa Hargeysa ee magaalada Muqdisho kulan ku yeeshay Guddiga Joogtada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Iyo Guddiga Dhab U Heshiisinta Dowladda Federalka Soomaliya Iyo Somaliland
Waxana Kulanka Shir Guddomiyay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Shekh Cabdiraxman.
Shirka ayaa waxaa looga hadlay sidii loo bilaabi lahaa wadahadalada soomaaliya iyo soomaaliland iyo guddiga in ay ka shaqeeyaan sidii arintaasi loo fududeyn lahaa .
Guddiga Qaran ee Dhab-u-heshiisiinta iyo Wadahadallada Dowladda Federaalka iyo Soomaaliland ayaa waxaa loo magacaabay sidii xal waara oo miro dhal ah laga gaaro tabashooyinka ay qabaan Soomaaliland, loona xaqiijiyo mabaadi’da Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.


