Muqdisho-KNN-Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya C-Wali Shiikh Ibraahim Muudeey oo maanta ka hor hadlayay kulanka Xildhibaanada Golaha Shacabka ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Xubnaha ay galeen fasax aan Sharci aheyn.
“Xildhibaanada waxay galeen fasax aan Sharci aheyn waxayna wadanka ka dhoofeen saakay iyadoo shaqo u taalo Kalfadhigana uusan soo xirmin waana qalad iyo Shaqo Xumi” ayuu yiri Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee Golaha Shacabka Soomaaliya.
Sidoo kale Guddoomiyaha ayaa sheegay in saakay Garoonka Diyaaradaha ee magaalada Muqdisho ay ka dhoofeen ugu yaraan 20 xildhibaan hadane ay ka war haayaan Xubno kale oo safar ah.
“Saakay Garoonka Diyaaradaha ee Muqdisho waxaa ka dhoofay 20 Xildhibaan kuwa kale ayaa maalmaha soo socda dalka ka baxaya walina ma xirmin Kalfadhiga Golaha waa iney soo laabtaan Xubnaha baxay iyo kuwa maqan” ayuu Yiri Guddoomiye Muudeey.
Kulanka Xildhibaanada ayaa wali ka socda Xaruntooda magaalada Muqdisho waxaana looga doodayaa Xeerka Isgaariinta Soomaaliya.