Somali News

Guddoomiye Muudey iyo Lafta gareen oo kulan ku yeeshay Baydhabo

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Koofur Galbeed Soomaaliya Cabdicaiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa xalay kulan la qaatay Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Cabdiweli Sh Ibraahim Muudey.

Wafdi uu hoggaaminayay Guddoomiye Muudey ayaa gelinkii dambe ee shalay gaaray Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay, wuxuuna xalay Xarunta Madaxtooyada Maamulka uu kula kulmay Madaxweyne Lafta-gareen.

Labada masuul ayaa kulankooda ugu hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka, arrimaha doorashada dalka ka dhacaya oo khilaaf uu ka taagan yahay iyo qodobo kale.

Magaalada Baydhabo ayaa la filayaa inuu ka furmo shir ay ku yeelan doonaan guddi uu shalay magacaabay R/Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen