Uncategorized

Guddoomiye Muudey” Waa la xaday dastuurkii saxda ahaa ee Soomaaliya”

Muqdisho-KNN-Cabdiweli Ibraahim Muudey oo ah Gudoomiye ku xigeenka 1aad ee golaha shacabka ee baarlamaanka soomaliya sii hayaha  gudoomiyaha golaha shacabka ayaa sheegay in dastuurka dalka ee hadda lagu dhaqo uusan ahayn midkii ay ansixiyeen odayaasha dhaqanka soomaliyeed.

Distuurkii saxda ahaa ee Soomaaliya waa la dhumiyay oo meyl malgu sheego ayuu yiri mr Muudey.

Muudey ayaa intaas raaciyay in Dastuurka qabyada ah ee Soomaaliya uu yahay mid laga soo durjumay afafka qalaad.

Gudoomiyaha gudiga lasocodka qabyo tirka dastuurka dalka u qaabilsan baarlamaanka Soomaaliya sanator Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid ayuu ka dalbaday in la xafiddo midka hadda aan haysano.

Bulshada Soomaaliyeed ayaa horay ugu dhaliilsaneed mas`uuliyiinta dowlada sida ay ugu dhaqmaan Dastuurka qabyada ah ee Soomaaliya ayaa hadda waxaa shaki galiyay sax ahaanshaha Dastuurka Soomaaliya Gudoomiye ku xigeenka 1aad ee golaha shacabka ee baarlamaanka soomaliya islamarkaana ah kusimaha gudoomiyaha golaha shacabka Cabdiwali Ibraahim Muudey.