Muqdisho-KNN-Guddoomiyaha gobolka Shabeellada Hoose Ibraahim Aadan Cali Najax ayaa waxa uu si kulul uga hadlay qaraxii ay dadka shacabka ahi ku dhinteen ee ka dhacay deegaanka Lafoole ee gobolka Shabeellada Hoose.
Guddoomiyaha ayaa ugu horeyn waxa uu shacabka Soomaaliyeed uga tacsiyadeeyay ehelada, asxaabta iyo qoysaskii ay dadka ka dhinteen, qaraxii maanta dhacay, isaga oo kuwa dhawaca ahna uga baryay in Alle uu siiyo caafimaad deg deg ah.
Gudoomiyaha ayaa waxa uu tilmaamay in uu aad uga xun yahay dhacdadaasi, isaga oo dhinaca kale ku eedeeyay in ay ka dambeeyaan dagaalamayaasha Al-Shabaab.
Waxa uu sheegay Al-Shabaab in ay baneysteen dhiigga shacabka Soomaaliyeed, isla markaasina ay doonayaan in ay laayaan, taasina ay tahay in laga hortago.
Ciidamada dawlada iyo kuwa AMISOM ee qaybta ah hawlgallada nabad sugida ee Soomaaliya, ayuu ka codsaday guddoomiye Ibraahim Najax in ay ka badbaadiyaan dadka shacabka ah, gaar ahaan xilliyada ay adeegsanayaan jidadka isku xira deegaannada iyo gobolada intooda kale iyo gobolka Shabeellada Hoose.