Muqdisho-KNN-Guddoomiyaha Maamulka Gobalka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Taabid Cabdi Maxamed ayaa xalay ka laabtay qorshe uu damacsanaa in uu isku casilo.
Guddoomiyaha oo ay bar bar fadhiyeen Xildhibaano ka tirsan Labada Gole ee Baarlamaanka Soomaaliya, Xubno wasiiro ah, Ra’iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cali Maxamed Geedi iyo Odayaal dhaqan ayaa damcay in uu is casilo kadib buuq siyaasadeed oo kala dhaxeeya Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya.
Taabid ayaa go’aankiisa waxaa ku celiyay Xildhibaanada iyo Wasiirada, sidoo kale waxaa difaacay oo is bar bar taagay Odayaasha dhaqanka ee ka soo jeeda magaalada Muqdisho taas oo markii dambe sababtay in uu go’aankiisa ka laabto.
Taabid ayaa ka cabanaya in Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi farmaajo iyo Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyrre oo la sheegay in ay ka soo horjeedaan dhismaha maqaamka Muqdisho.
Arintaan ayaa daba joogta go’aankii Madaxweynaha Soomaaliya ee ahaa in saxiixiisa oo kaliya lagu bixin doono dhulka Danta Guud ee Soomaaliya.
Xildhibaanada iyo Wasiirada ayaa go’aanka Madaxweynaha ee dhulka ku tilmaamay mid aan sax ahayn iyo hantida maguurtada ah oo taala dhulka Soomaalida oo dhan aan lagu xirin saxiixa madaxweynaha oo kaliya.
Khilaafka ugu weyn ayaa salka ku haya shirka wadatashiga Muqdisho oo uu duqa Muqdisho dhowr jeer ka dhawaajiyay,kaas oo 8ddii Bishan dib u dhacay haddana qorsheysan 28ka Bishan.
Odayaasha ayaa Madaxda ugu sarreysa dalka uga digay in ay ku fududaadaan xilka qaadista Thaabid,waxaan aay xuseen in aysan Beeshu yeeleyn in Thaabit kaligii laga saaro xilka uu hayo.