Somali News

Xaliima Yarey oo ka jawaabtay eedeymo uga yimid Madasha iyo xisbiyo kale

Muqdisho-KNN-Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka Qaranka Soomaaliya, Xaliimo Ismaaciil Ibraahim (Xaliimo Yarey) ayaa markii ugu horeysay ka jawaabtay baaqyadii loo soo jeedinayey ee iska soo daba dhacayey, wixii ka dambeeyay markii ay warbixinta doorashooyinka dalka ay ka hor jeedisay golaha shacabka.

Inta badan xisbiyada siyaasadda dalka oo ay ugu horeeyaan xisbiyada ku bahoobay Madasha Xisbiyada Qaran iyo Xisbiga Wadajir ayaa xubnaha  guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka u soo jeediyey inay is-casilaan, maadaama sida ay ku doodayaan ay ku guul dareysteen in dalka ay doorasho ka qabtaan.

Guddoomiyaha guddigaas Xaliima Yarey oo maanta ka jawaabtay eedeymahaas ayaa sheegtay in guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka uusan wax eed ah lahey, maadaama  ay horey u shaaciyeen in aan la heyn agabkii lagu qaban lahaa doorashooyina dalka.

Xaliimo Yarey oo ka jawaabeysay eedeyntaas uga timid qaar ka mid ah xisbiyada siyaasadda dalka ayaa intaas ku dartay in guddigeedu uusan laheyn wax dambi ah oo uu isku casilo.

“Annaga waxan is casileynaa hadii aan dambiile noqono oo shaqadii naloo diray aan qaban weyno,Feberaayo 2017 ayaan sheegnay in ay ka maqan yihiin waxyaabihii doorashada lagu qaban lahaa welina ma helin laakin in Guddiga la iska eedeeyo ma ahan” ayey tiri guddoomiye Xaliima Yarey.