Somali News

Guddoomiye Xaliimo Yarey oo goordhow gaartay xarunta golaha shacabka.

Xarunta Villa hargeysa ee Muqdisho ayaa goordhow waxaa gaartay  guddoomiyaha guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka qaranka Xaliimo Ismaaciil Ibraahim ( Xaliimo Yarey).

Guddoomiye Xaliimo Yarey ayaa qeyb ka ah xubnaha uu hoggaaminayo Madaxweynaha dowladda federaalka soomaaliya Maxamed Cabdullaahi  Farmaajo ee maanta Khudbad ka horjeedin doona Xildhibaanada Golaha Shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya.

Waxaa goordhow la filayaa inuu kulanka golaha shacabka uu tago madaxweyne Farmaajo, sida ay KNN u sheegeen xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya.

Madaxweyne Farmaajo ayaa lagu wadaa in khudbadiisa uga hadlo xaalada uu xiligan marayo dalka iyo arimaha doorashooyinka.

Balse wararka qaar ayaa sheegaya in madaxweyne Farmaajo uu xildhibaanada ka dalban doono mudo kordhin ku aadan waqtiga uu soo magacaabayo R/Wasaaraha Cusub ee Soomaaliya.