Somali News

Guddoomiye Yariisow oo digniin u diray askarta ka tirsan Ciidanka Xoogga.

Muqdisho-KNN-Shir looga hadlayay amniga caasimada ayaa xalay waxaa  lagu qabtay magaalada Muqdisho 

Kulanka ayaa waxaa ka soo qeybgalay saraakiisha booliska soomaaliya xubno Ka kala socday  gobolka banaadir iyo wasaarada amniga.

Kulanka ayaa inta uu socday waxaa looga hadlay sidii amniga caasimada wax looga qaban lahaa, maadaama shalay ay Magaalada Muqdisho ay ka dhaceen qarax ismiidaamin ah iyo dagaal xigay ay masuuliyadiisa ay  sheegteen Al-Shabaab

Gudiga amniga caasimada ayaa sheegay in aan la arki Karin  istaaf wata dariiska ciidanka xooga ee dhexmaray Muqdisho

Sidoo kale gudiga ayaa ugu baaqay istaafka masuliyiinta dowladda in ay si wanaagsan ula dhaqmaan ciidamada amniga oo istaagsan isgoysyada. 

Gudoomiyaha Gobalka Banaadir Cabdi Raxamaan Cumar Cusmaan  Yariisow oo la hadlay warbaahinta ayaa waxaa uu ugu baaqay wadayaasha gaadiidka BL-ka iyo moota bajaajyada in ay isdiiwaangeliyaan. 

Sidoo kale Guddoomiye Yariisow ayaa waxaa uu sheegay in Cidii aan isdiiwaangelina loo arkayo in ay caqabad ku tahay amniga caasimada.