Somali News

Guddoomiye Yariisow oo ku baaqay in la qaado dhagxaanta la dhigay wadooyinka Muqdisho

Muqdisho-KNN-Cabdi raxmaan Cumar Cusmaan Eng Yariisow Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo la hadlay warbaahinta ayaa waxaa uu sheegay in xiligan horumar weyn laga gaaray amniga caasimada.

Guddoomiyaha ayaa waxaa uu la dardaarmay askarta booliska ee joogta wadooyinka caasimada, isagoona sheegay in loo baahanyahay in shacabka loo fududeeyo wadooyinka si ay u maran meel kasto  

Sidoo kale Guddoomiyaha ayaa waxaa uu sheegay in ay jiran shaqsiyaad siyaasadeynaya amniga caasimada, taasina aan loo baahneen xiligan ayuu yiri yariisow.

Warbixinta oo dhameystiran dhageyso