Somali News

Guddoomiye Yariisow oo maanta dhagax dhigay waddo muhiim ah

Muqdisho-KNN-Guddomiyaha Gobolaka Banaadir Cabdiraxmaan Cumar Cusman Yariisow, Wasiirka Dhalinyarada iyo Cayaaraha Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye iyo xubno kale oo ka socday Wasaaradda Dhalinyarada iyo Cayaaraha ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta Dhagax dhigay wadada hormarta Garoonka Kubadda  Cagta ee Stadium Muqdisho.

Mas’uuliyiintaas ayaa waxa ay sheegeen in dhismaha Garoonku uu marayo meel gabagabo ah.

Guddoomiye Yariisow oo warbaahinta kula hadlay halka dhismaha wadada laga bilaabay ayaa  sheegay in wadadaas ay muhiim u tahay isku socodka dadka iyo gaadiidka iyo sidoo kale adeegsiga Garoonka Kubadda Cagta ee Stadium Muqdisho

Kadib markii ay ciidamda AMISOM ka bexeen Garoonka kubadda Cagta  ee Stadium Muqdisho ayaa dowladda Soomaaliya waxa ay dib u dayactir ku bilowday  dhismaha uu ka koobanyahy Garoonka Stadium Muqdisho.